|

Daawo:-Buuhoodle waftigii Muqdisho ka yimid ku dhawaaqay go,aamo ka dhan ah Soomaliland-Video

Buuhoodle (Horufadhi News)-Magaalada Buuhoodle waxaa caawa Warbaahinta kula hadlay wafti dhawaan kasoo kicitimay Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Dowladda Soomaaliya ,Waftigan oo uu Hogaaminayey Cabdifataax Maxamed Cali oo mar soo noqday la Taliyihii dhanka arrimaha Siyaasada Dowladdii Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha Sheel) .

Shirkani ay Caawa ku qabteen Magaalada Buuhoodle waxaa kasoo qayb galay isimadda Cuuqaasha iyo waxgaradka Gobalka Cayn ,Waxaana ay kusoo Bandhigeen kulamo ay la lahayeen intii ay joogeen Buuhoodle qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waxgaradka Deegaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn waxaa Shirka ka hadlay isla markaana faah faahin ka bixiyey kulamadii ay la lahaayeen Bulshada wixi kasoo baxay iyo waliba waxyaabaha ay qaban doonaan .

Xubnahan ka yimid Muqdisho ee Maalmahan ku sugnaa Buuhoodle ayaa waxaa ay caawa shir saxaafadeedkan ay qabteen kaga dhawaaqeen in ay deegaanka u yimadeen sidii Bulshada loogala tashan laha xoreynta Gobalka Sool iyaga oo sheegay in ay Puntland ku garan taagan yihiin isla markaana ay gacan ku siin doonaan sidii Somaliland looga saari lahaa Deegaanada Gobalka Sool.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Indha sheel oo caawa markii ugu horaysay warbaahinta ka sheegay Mowqifkiisa ah in uu Puntland kula safan yahay Dagaalka ay kula jirto Soomaliland ayaa sheegay mar wax laga waydiiyey waxa iska badelay Mowqifkiisa in uu hada ujeedkiisu yahay xoreyn.

Intaas kadib isimadii cuqaashii iyo waxgaradkii shirka ka hadlay ayaa si isku mid ah waxaa ay usoo dhaweeyeen xubnaha ka yimid Muqdisho waxaa ay sidoo kale ku tageereen go,aamada kasoo baxay shir saxaafadeedka ee ah in Puntland tageero xoogan lagu siiyo sidii ay Soomaliland uga xoreyn lahayd Sool.

Horufadhi News

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=64303

Posted by on Jun 29 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Daawo:-Buuhoodle waftigii Muqdisho ka yimid ku dhawaaqay go,aamo ka dhan ah Soomaliland-Video”

  1. xamar baanu ka nimi , dagaalama oo maatadadiina qaxiya anna diyaarad baan raacayaa oo xamar baan ku noqonayaa kkkkkkk

  2. soomaalida dawadeeda anaa idiin haya….
    dagaaladii sokeeye ee 1991kii si wanaagsan looma kala adkaan , ha laysku noqdo oo ninkii rooni reerka haw hadho for once and all.

  3. mire

    in lays ku noqdo wa soo dhawaynaynaaa ISAAQ iyo MAJEERTEENOOW bilaaba

    kiinii finalka u soo gud bo anagaa la ciyaaarayneee reer khaatumo waa u diyaarsan yihiine

  4. qariidahaye
    ok sxb deal kkkkkk

  5. khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma jiniyo .

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...