|

Imaaraadka oo iibsanaya Guryaha Qudus si uu ugu wareejiyo Yuhuuda-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)– Sheekh Kamal Khadiib oo ah ku-xigeenka madaxa ururka Xamaas ee magaaladda Qudus ayaa sheegay in nin ganacsade ah oo reer Qudus oo ay isku dhow yihiin Maxammed Daxlaan oo kal hore  laga saaray ururka Fatax in uu  ku hawlan yahay iibsashada aqalada duuga ah ee kuyaala qaybtii hore ee Magaaladda Qudus waxaana uu wakiil uga yahay Maalqabeeno u dhashay dalka Imaaraadka Carabta

Waxa sheekh Khadiib oo arrinka ka hadlaya uu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay Facebook,ga in nin ganacsade ah oo Imaaraatka u dhashay oo  ah kuwa aad ugu dhow in amiirka imaaradda Abu Dhabi Maxammed bin Zayed uu ka shaqaynayo sidii uu iibsan lahaa aqalada iyo daaraha ku dhagan Masjidka Al-Aqsa gaar ahaan,isagoo la kaashanayo ganacsade reer Qudus ah oo ay isku dhow yihiin Maxamada Daxlaan.

Al-Khadiib ayaa tilmaamay in qof deggan mid kamid ah aqaladan Qudus loo soo bandhigay in laga siisanayo qiime gaaraya $ 5 million oo dollar aqalkiisa ku dhagan masjidka,laakiinse iska diiday qiimaha loo soo bandhigay in lagaga iibsado.

Waxa sheekh Khadiib uu intaa raaciyay in markii uu ka diiday codsigooga kor loo qaaday qiimahan oo laga dhigay $ 20 million oo dollar, laakiin isku daygooga inay kusoo jiitaan isaga uu guuldareystay.

Sheekh Khadiib ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqyadan ay dadka soo xasuusinayaan “kaalintii taliska Maxammed bin Zayed” uu kulahaa iibsiga aqalo markii dambe gacanta laga galiyay hay’adaha qaabilsan degaamaynta Yuhuuda ee degmooyinka Silwan iyo Wadi Xilwa ee magaaladda Qudus sidii dhacday 2014.

Sheikh Kamal Khatib oo wareysi siiayay televishanka “al-Qudus” sanadkii 2015,ayaa sheegay in dadka ka tirsan Imaaraadka Carabta ay khiyaameen dadkii lahaa aqalo kuyaala Qudus iyaga oo u sheegay in ay yihiin dadka iibsanaya iyo maalgashadayaal Carab ah oo damacsan inay dib u dhisaan magaalada Qudus,laakiinse markii dambe la ogaaday in aqaladan laga iibiyey Yuhuuda lagu deegaameeyo dhulka Falastiin,waxana Qudus tii hore qaybo kamid ah ay isku badishay deegaan Yuhuud leedahay.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=63374

Posted by on Jun 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.