|

Mid kamid ah Dowladdaha Yurub oo Muwaadinteeda ugu baaqday in ay Soomaaliya kasoo baxaan-Akhriso

 Muqdisho (Horufadhi News)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa looga digay Muwaadiniinta Britain in ay xiligan  u safraan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Waxaa lagu war galiyay Muwaadiniinta Britian in aysan booqan ka feejignaadaan dalalka ay kamid yihiin Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen, waxaana loo sheegay in dalalkan kala kulmi karaan khataro amni iyo mid argagaxiso.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa sidoo kale ugu baaqay Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Soomaaliya in ay isaga soo baxaan.

Muwaadiniinta Britain ayaa loo sheegay inay cabsi sare ka jirto Somalia, isla markaana ay jiraan waxa loogu yeeray qorshe weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Reer Galbeedka ku sugan Muqdisho, Somaliland iyo qeybaha kale ee Soomaaliya.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa marar badan uga digay muwaadiniintooda in ay Soomaaliya u safraan iyaga oo sheegay in xiliyada qaar ay ka jirto Soomaaliya qatar dhinaca amaanka ah.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=63080

Posted by on Jun 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Mid kamid ah Dowladdaha Yurub oo Muwaadinteeda ugu baaqday in ay Soomaaliya kasoo baxaan-Akhriso”

  1. Naga baxa, dirkiinu ha be’ee, waad na dubateene.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...