|

Daawo Wareysi:-imaaraadka iyo Soomaaliya oo wada hadlaya,xili xiisaddii labadda Dal ay cirka isku sii shareertay-Video

Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

‘’Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo weydiistay caalamka Carabta in go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya in la fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay midnimada caalamka Carabta islamarkaana la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta’’

Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar uu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=59965

Posted by on Apr 16 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo Wareysi:-imaaraadka iyo Soomaaliya oo wada hadlaya,xili xiisaddii labadda Dal ay cirka isku sii shareertay-Video”

  1. wa calaacal ki ugu danbeeyey may iskaba amuusan oo iska eryan safirka imaratka ee muqdisho fadhiya . imaratku kama hadlayo wadahadal ay la galen somaliya

  2. nidaamka dowladnimo waa mid ka duwan sida aad u aragtid waayo marka aad dowlad xidhiidhka u jaraysid waa in aad ka fekertid khasaare iyo faaiido waxa aad la kulmaysid ganacsiga soomaaliya intiisa badan waxa uu ku xidhan yahay dawlada imaaraad xataa lacagta la diro ee xawaaladuhu diraan dhamaan waxay martaa imaaraadka lacagta hadda imaaraadka laga qabtay mid ka badan ayaa soomaalida ka taala imaaraadka oo weliba maanta khatar ku jirta in la dhaco haddii aan xal looheelin khilaafka labada dawladood

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...