|

Daawo:-Ciidamo Maleeshiyaad ka tirsanaa Maamulka Somaliland oo sheegay in ay ku biireen Maamulka Puntland-Video+Warbixin

Ciidamo horey uga tirsanaa kuwa Maamulka Somaliland, Kuna sugnaa deegaanka Carro-wayn ee Gobolka Cayn ayaa sheegay inuu ku biireen kuwa Ciidamadda maamulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidankan ayaa la sheegay inay Tiradoodu gaadhayso ilaa 150, Waxaana Halkaasi ku booqday Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Deegaanada Khaatumo ayaa waxaa dhibaato xoogan ku haya Maleeshiyaad iyo Siyaasiyiin Hadba dhinac u dabayshanaya, Kuwaasi oo horseeday inaysan Xasilooni ka dhacin deegaanka.

Ciidamadan sheegay in ay ku biireen Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Maamulada Puntland iyo Somaliland,taas oo salka ku haysa kadib markii Ciidamo ka socda Somaliland ay la wareegeen Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobalka Sool.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=57123

Posted by on Feb 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Ciidamo Maleeshiyaad ka tirsanaa Maamulka Somaliland oo sheegay in ay ku biireen Maamulka Puntland-Video+Warbixin”

  1. Sxbyaal Ciidamadan in ay kolba dhan u yaacaan waa qorshe la’aan ku habsatay , Somaliland dhaqaale uma hayso Puntland-na kasii daran , xogaa Geedafuul ah ayay ka heli jireen dhankan Somaliland intiina Jeegaanta ka goysay hhhhh adeerayaaloow ninkastaa gurigiisa ha iska tago wax dagaal ah ma dhacaayo waa been dhaqaale lagu dagaal galo Somaliland-na ma hayso Puntland-na maafish .

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.