|

Ciidamadii ugu badnaa oo Saaka lasoo dhoobay Burco iyo Shacabka oo Cabsi weyn ka qaba Dagaal…

Saaka abaaro 06:00 Subaxnimo Saacadda Geeska Africa waxa mar kaliya Dadwaynihii usoo kalahay Suuqa Magalada burco ee xarunta gobalka togdher ay ku waabaristeen Ciidamo Tiro badan kuwaasi oo ah Ciidamada Somaliland ee Loo yaqaano (Koofiyad Casta).

Waxaanay ciidamadaasi ahayeen kuwo ku Gashaman Gadiidka Degaalka Noocyadiisa Kale Duwan Dadwaynaha ku Nool Magalada burco ayaa iyagu Cabsi Xoogan ka Muujiyay Ciidamadani Xad dhaafka ah Ee la soo Buuxdhafiyay Gudaha Magalada burco.

ilaa iyo imika lama garan karo sababta rasmiga ah ee ka danbaysay ciidamadani xad dhaafka ah ee la soo buuxdhafiyay magalada burco, iyadoo ay ciidamadani noqonayaan ciidamadii ugu tirada badnaa ee abid la keeno gudaha magaalada Burco.

Magaalada Burco ayaa waxay kamid tahay goobaha ay sida wayn ugu Xoogan yihiin Taageerayaasha Xisbiga Wadani, Waxaana laga Cabsiqabaa inay Kacdoono ka Bilowdaan, hadii lagu dhowaaqo inuu Muuse Biixi yahay Madaxwaynaha Somaliland, Kadib markii uu C.raxmaan Cirro guud ahaanba Qaadacay Natiijo kasta oo kasoo baxda Doorashadii dhacday.

dhowaan ayaa magaalooyinka Hargiesa, Ceerigaabo iyo Burco waxaa ka dhacay Banaanbaxyo Rabshada watay, Kuwaasi oo dhaliyey Khasaare dhimasho, dhaawac iyo Bur-bur Hantiyeed.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=53683

Posted by on Nov 21 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog