|

Qaramadda Midoobay oo ka digtay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera iyo Khatarta uga imaan karta Soomaaliya.,Warbixin kooban..

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda QM ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dhismaha Saldhigaasi uu qalqal amni galinkaro Somalia, oo weli ku dhex jirta cunaqabateynta Hubka mamnuuca ah.

Khubaro ka tirsan Guddiga baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa mar kale qoraalkooda ku cadeeyay inay suuragal tahay in Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisaayo magaalada
Berbera uu isku bedelo suuq lagu kala iibsado Hubka.

Waxaa lagu qiray qoraalka in xiliyada qaar Saldhigaasi uu caqabad ku noqonkaro amaanka iyo xasiloonida ka jirta Somalia, maadaama ay adkaan karto dabagal lagu sameeyo gaadiidka Badda oo ay leedahay Imaaraadka carabta ee u goosha Biyaha Somalia.

Khataraha ka dhalankara Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay in looga gaashaamankaro keliya Guddiyo gaara oo loo xilsaaro la socodka Saldhiga iyo waxyaabaha kabaxa.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ku dheeraatay dhaqdhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ku dedejinayaan dhismaha Saldhiga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaaladda Berbera ee Waqooyi Galbeed ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa aad uga walaacsan in dowlada Imaaraadka ay Somalia ka dhaqangaliso Suuqyo lagu kala iibsado Hubka noocyada kala duwan leh.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=53633

Posted by on Nov 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog