|

Daawo:Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in uu Qaadacay Doorashadii Somaliland ka dhacday iyo Muuse Biixi oo uu sheegay in uu ku-Video

Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Sheegay innaanu ku qanci doonin Natiijo hor dhac oo komishanku ku dhawaaqo, kadib markii ay soo baxday In Muuse Biixi Madaxwayne loo magacaabi doono, Wuxuuna taageerayaashiisa wuxuu ugu baaqay innay is dejiyaan nabadana ilaaliyaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Murashaxa Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo iminka warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay innaan Somaliland doorasho Xor iyo Xalaal ahi ka dhicin, Islamarkaana wuxuu Qaadacay Doorashadii, waxaanu soo qaatay qodobo dhawr ah oo Murashax Cirro u cuskaday Qodobo ay kamid yihiin.

1-In Sanaaduuqdii dib loogu tiriyey laga helay codad dheeraad ah oo halkii sanduuq loogu talogalay shan boqol oo qof innay ka codeeyeen laga helay codad ka badan intii loogu talogalay

2- In Doorashada aannu jirin seerver “Server” kala saarayey qofka kaadhka sita inuu leeyahay iyo in kale taasi oo buu yidhi ay xataa codeeyeen dad dhintay, Caruuro shan jir iyo toban jir ah iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Dhanka kale wuxuu taageerayaasha Xisbiga waddani ugu baaqay innay is dejiyaan oo nabada ilaaliyaan islamarkaana wax kasta loo mari doono dariiqa sharciga ah.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=53657

Posted by on Nov 20 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog