|

Deg Deg:Golaha Wasiiradda Maamulka Puntland oo Dab kusii shiday Xiisadii ka dhex taagneyd labada Maamul iyo Go,aano soo baxay,Sool iyo Sanaag oo….

Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay jirtay Hadalo ay dhinaca Warbaahinta isku dhaafsanayeen maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa maanta War kasoo saaray arimaha Doorashooyinka Golaha wasiirada ee Puntland waxayna Warsaxaafadeed ku sheegeen sidan .

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay amniga xuduudaha dalka gaar ahaan xuduudaha deeganada ay Puntland la leedahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo ay hada jiraan dhaqdhaqaaqyo doorashooyin. wuxuuna goluhu cadeeyay in midnimada Puntland ay tahay muqadas xuduudaha Puntland-na si buuxda amnigooda loo sugi doono.

Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Puntland ay ilaalinayso nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland.

Golaha xukuumadda ayaa cadeeyay in aysan ka dhici doonin wax lagu sheegayo doorashooyin oo ka yimaada dhinaca Somaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee Puntland”.

Dhowaan ayaa Golaha Baarlmaanka Puntland  ay dhankooda soo saareen Go’aano kuwa lamid ah, Iyagoo soo jeediyey in la iska difaaco Faragelinta iyo Xadgudubka Somaliland sida ay hadalka u dhigeen.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=53170

Posted by on Nov 9 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Deg Deg:Golaha Wasiiradda Maamulka Puntland oo Dab kusii shiday Xiisadii ka dhex taagneyd labada Maamul iyo Go,aano soo baxay,Sool iyo Sanaag oo….”

  1. Waa maqaal ay Puntland kharash badan ku bixisay, hase yeeshee, ayan ku dheehnayn war run ah oo la qaadan karo. Waa riwaayad la maqashiinayo odayaasha reer Khatumo State ee Garowe fadhiya, Puntland na gacansaarka weyn la leh. Hadaba, waxaanu maamulka Puntland ogeysiinayna in aanu ka kornay oo ka ilbaxnay beertii madaxda maamulka Puntland mudo badan noo jeedin jireen. Hadda iyo gabagabadii, Puntland iyo reer SSC wax xidhiidh ah ma laha. Odayaasha la joogana waa u darinayna.

  2. Waa wareeeeey hadee dowladdii garbaha weyneyd mar hadii ay tiri doorashada haha joojiyo waa in la joojiyaa mawaan dadkaani naftooda rabin kkkkkkkkkkkkkkk
    ?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...