|

Cabdiweli Gaas oo maanta si rasmi ah u xaraashay Dekadii Boosaaso iyo Shirkadda DP World oo la wareegtay.

Munaasabad lagu wareejinayo Dekeda Boosaaso ayaa maanta ka dhacday gudaha Dekeda, iyadoo si rasmi ah loogu wareejiyay Dekeda Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, Saraakiil ka socotay DP World, Nabadoono iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Intii ay socotay Xaflada wareejinta Dekeda Boosaaso ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Dekeda iyo nawaaxigeeda.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa sheegay in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee Dekedda.

Heshiiska Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda DP World ayaa dhigaya in muddo sodon sano ay shirkadda ku sameyso Dekeda dayactir iyo ballaaran, iyadoo la dhisayo deked cusub oo dhirirkeedu yahay 450M

Qiimaha ku baxaya dhismaha iyo dib u habeynta Dekeda Boosaaso ayaa gaaraya lacag dhan 336 milyan oo dollar.

Dekeda Boosaaso ayaa noqoneysa dekedii labaad oo ay la wareegto shirkadda DP World, horay waxay ula wareegtay Dekeda Berbera ee Somaliland.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=51955

Posted by on Oct 12 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Cabdiweli Gaas oo maanta si rasmi ah u xaraashay Dekadii Boosaaso iyo Shirkadda DP World oo la wareegtay.”

  1. horfadhi idinka oo dhukiinii xaraashay markaas ayeydaan cid kale farta fiiqaysaan marka hore is arka oo dhulkii iidoor ku wareejiseen cabdiwali ma xarashin ee waa maal galiyey sideena oo kale ma is dhiibin oo maxaad uga hdali waydeen tan barbara miyaad ka baqaysaan marna ma aanan arag idinka oo ka hadlaaya adeer dekada boosao ragii lahaa ayaa ka taliya sideena ma aha dad la gumaysto wakhtaan la joogo 2017 oo aan idinka ka ahayn oo waliba ku faraxsan gumaysiga oo rageena maalin walba lagu bahdilaayo hargaysa ka hadla inta hawal idin khusayn ama dhula aydaan lahayn wa ka sheegaysaan waa qoladeena khaatumo khiyaano iska qaada takarta idin saaran inta aad cid kale wax ka sheegaysaan is arka oo dhulkiina iidoor ka soo dhacsada gidaarad ka qayliya iidoorna idin ogaa waxaad tiheen in aad idinku xeneenyo isu leediheen iyo tolkeen waa idin og yiheen ilaahay ceebteena ha asturo reer horfadhiyow.

  2. mj kuwiii ka qayliyey boosaso gaas ma qayil siiyey hhhh waxaan islahaa reer bariga mj ga ah gaas kama liqi doono lkn wakaas dekadiii xaraashtay intuu odaayaashii kooofiyad baclayaasha qayil siiyey

    yeeel kood ma awal baa dan reer ssc ku qabeen dekada boosaaso waatii canshuurta double looga qaadi jiray si ka duwan dadka mj ada ah

  3. Qariidahaye@ sxb waxaa ayaan daraa inaad ku dantid tolkaa 24 saacna xumaan aysan lahayn soo fagaysid yaab bal hoos isu eeg adiga waxa ceeb ku dul hoganaysa intaad been iyo borobagaando dadka walaalahaa isaga sheegaysid dekedda bosaso somali baa leh qabiil gaarana maleh

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog