Loading...
|

War Deg deg ah: Golihii Ex G11 oo Baaq soo saaray{Nuqul}.

 

Press Release

June 17, 2017

Deegaammada Maamul Goboleedka Khaatumo

 Somalia

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee khaatumo waxaa lagu aasaasay 12 janaayo sanadkii 2012ka magaalada taariikhiga ah ee Taleex. Ergooyin kor u dhaafay afar kun (4000) oo qof oo isugu jira isimo, cuqaal, culimo u diin, bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno ayaa kasoo qayb galay shirkaas taariikhiga ahaa ee lagu qabtay Berdo Khaatumo, Taleex. guddi laga dhex xushay ergooyinkaas, isuguna jirey dumar iyo rag, gaadhayeyna 400 oo qof ayaa gorfayn iyo rogrogid dheer kagadaal isla qaatay samaynta maamul goboleedka soomaliyeed ee Khaatumo. maamulkaas wada tashiga buuxa lagu aasaasay wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood ama laamood oo dastuuri ah: golaha sare ee dhaqanka, golaha baarlamaanka iyo golaha fulinta.

Golaha sare ee dhaqanku waa hay’adda ugu sareysa laamaha dastuuriga ah ee uu ka kooban yahay maamul goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo. Awoodahooda dastuuriga ahna waxaa kamid ah ansixinta iyo wax ka dhihidda wax kasta oo ka baxsan hawl maalmeedka dowladda ama hay’adda fulinta sida heshiisyo ama wada hadallo lala gelayo maamulada kale iyo wax kasta oo saamaynaya mustaqbalka iyo jiritaanka bulshada ku nool Sool, Sanaag iyo cayn (SSC).

Waxa kale oo dastuurka maamul goboleedka khaatumo ku cad samaynta saddex guddi oo kala ah: guddiga dastuuriga ah ee amniga, dhaqaalaha iyo wadahadalada lala gelayo cid kasta oo ay xukuumadda arimo kaga xidhan yihiin, hadday noqon lahayd gudaha maamulka iyo maamulada hareeraha ka xiga. Waxaa dastuurka khaatumo ku cad in gudigaas dastuuriga ah ay siwada jira u ansixiyaan golaha wasiirada, golaha baarlamaanka iyo golaha sare ee dhaqanka.

Degaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo wax horumara ama caawin ah oo laga hirgeliyey majiraan laga soo bilaabo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Waxaa si xaq daro iyo gobood falnimo ah ugu sunteen labada maamul ee Somali Land iyo Punt Land inay yihiin degaanno laysku haysto oo aan wax horumar iyo gurmad toona beesha caalamku ka fulin karin, taasoo sababtay in deegaankani ka hadhay dhamaan degaanada kale ee soomaaliyeed.

Intaas waxaa u sii dheer in maamulka Somali Land ku qabsaday xoog caasimadda maamul goboleedka Khaatumo ee Laascaanood markay taariikhdu ahayd 15kii Oktoobar 2007,  iyadoona ilaa hadda uu maamulkaasi si xoog ah, tacadi badanina ku jirto ugu sugan yahay caasimadda laascaanood. Qabsashadan Somali Land degaanada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo waxay sababtay iska horimaad hubeysan iyo u daadasho dhiigga labada shacab si xigmad la’aana. Sidoo kale maamulka Punt Land waxay si booba gacanta ugu haysaa magaalooyin ku yaala xadka labada maamul, iyadoo ka samaysatay xarumo cashuurta si sharci daro ah loogu qaado. Lacagaha laga urursado magaalooyinkaa xadka ku yaala wax kasoo gaadha oo dib loogu soo celiyaana ma jiraan bulshada reer Khaatumo ee degaanadaas xoogga lagu haysto ku nool.

Inkastoo sababaha ugu waaweyn ee Khaatumo loo aasaasay ay ahayd ka hor tegidda dagaallo dhex mara iyada iyo labada maamul ee PL iyo SL, haddana waxay labadaas maamul ee deriska la ah Khaatumo wacad ku mareen inay si iskaashi ku jiro uga hortagaan caga isku taagga maamulkan Khaatumo, iyadoo maamulka Punt Land sheeganayo inay dadka reer Khaatumo dhiig iyo dhalasho wadaagaan, meesha kan Somali Landna ku andacoonayo in qarnigii tegey guumeystihii Ingiriisku wada qabsaday. Sheegashooyinkani waxay si cad u dhinac marayaan doonista shacabka reer Khaatumo siday u samaysan lahaayeen maamul lasiman kuwa ay dadkooda u yagleeleen, iyo sooyaalka taariikheed ee ay ku leeyihiin mandaqadda Geeska Afrika taasoo keenaysa colaado iyo horumar la’aan joogta ah oo soo wajahda dhamaanba shuccubta degaanadaas. Burburkaas ba’anna waxaa keliya oo lagaga hortegi karaa dadka reer Khaatumo oo faraha looga qaado doonistooda ah inay samaystaan maamul goboleed iyo ismaamul ay leeyihiin oo xubin firfircoon ka noqda dowladda federaalka Soomaaliya, nabadna kula noolaada maamulada kale ee deriskooda ah

Inkasta oo golaha Guurtida Khaatumo soo dhoweynayo wadahadal kasta oo lala gelayo maamulada hareeraha si loo gaadho nabad waarta iyo derisnimo wanaag, haddana waxaannu qabnaa inaan wadahadaladani sinnaba uga habaabin ama uga weecan ahdaafta loo dhisay Khaatumo ee ahayd horumarinta degaanadooda iyo gacan ku haynta masiirkooda iyo jiritaankooda umadeed. Wadahadal kasta oo lala gelayo cid kalena waa inay isla qaataan hayadaha loo asteeyey arimahan masiiriga ah sida xukuumadda, baarlamaanka, golaha sare ee dhaqanka iyo guddigii dastuuriga ahaa ee loogu tala galay wadahadal kasta oo lala gelayo cid kale. Wada hadalkasta oo cid kale lala gelayo waa inay ansixiyaan golaha sare ee dhaqanku iyadoo laga duulayo qodobadan soo socda:

  1. Dad weynaha reer Khaatumo waxay goosteen, kuna cadeeyeen dastuurkooda maamul goboleedka Khaatumo ka go’naanshaha inay ahaadaan ismaamul hoos yimaada dowladda federaalka Soomaliya, iyagoona ugu baaqaya dowladda dhexe ee Soomaaliya inay si qotodheer oo masuuliyad qarannimo ku dheehan tahay u tixgeliso rabitaanka shacabka Khaatumo, ilaalisana midnimada iyo badbaadinta qaranka ay u dhaarteen, bulshada reer Khaatumana u soo galeen halgankii Daraawiisheed ee ugu dheeraa geeska Afrika.
  2. Wadahadal kasta oo lala geleyo Somali Land ama cid kale oo danta reer Khaatumo gasho waa inay hogaamisaa gudi qaran oo kalsooni ka haysata laamaha dowladda sida ku cad dastuurka Khaatumo. Sidoo kale waa inay ansixiyaan golaha sare ee dhaqanku heshiis kasta oo kasoo baxa wadahadaladaas, lana qeexa waxa u cuntami kara shacabka reer Khaatumo iyo waxa aan u cuntami karin wadahadalada ka hor.
  3. Gaar ahaan wadahadal kasta oo lala gelayo maamulka Waqooyi Galbeed/Somali Land  ee sida xoogga ah ku haysta dhulka reer Khaatumo waa inuu ka dhaco meel dhexdhexaad ah, goobjoogna ay ka ahaadaan wakiilo ka socda beesha caalamka.
  4. Wadahadal kasta oo lala gelayo Somali Land mustaqbalka waa inay ka horeeysaa horumar lataaban karo, lana caddayn karo oo laga gaadho arrimaha aasaasiga u ah reer Khaatumo sida kabixitaanka ciidamada Somali Land dhulka khaatumo oo dhan ee ay xoogga ku haysato, iyo abuurista jawi nabadeed oo saamixi kara in labada shacab si nabada ugu wada noolaan karaan gobolka.

Ugu danbayn wuxuu golaha guurtidu ku baaqayaa in lasoo afjaro cadaadiska iyo dulmiga ku socda shacabka reer Khaatumo, iyadoo latixgelinayo xaqa reer khaatumo u leeyihiin ugu noolaanshaha degaankooda si nabada. Sidoo kale waxaanu ku baaqaynaa in cid kasta oo jecel cadaaladda iyo nabadda ay ku taageeraan shacabka reer Khaatumo doonista aaya katalintooda.

Guurtida Khaatumo (Guddi Talo Bixineed)

17 June 2017

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=46115

Posted by on Jun 18 2017. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry
Loading...

11 Comments for “War Deg deg ah: Golihii Ex G11 oo Baaq soo saaray{Nuqul}.”

  1. Abdi maratoon darwiish

    Geyigeygu duul Goosana Laga Gadimaayoo Godka intaanan Geliin Gaadh Waan ka hayn duul godoon ka ah aduunka uma Gelaayo guulahayna ma odhan nin godoon isku gawracaay gudka uu ku Gubtey ilasoo Gaal waan ka
    Garaad ka Reeyaa Ninka berbera Tigree Gees Go ugu Guraay waa Ale uma Gargaaree Gudka uu ku gubtey yaan loogu Geliiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  2. kkkkkkkkkkkkkkk
    kuwani ma haday soo tooseeen , waa la ogaa meeshay khaatumo kaga tageene.
    Duli fowqa duli, war xadkana waa la soo xidhayaa, somaliland baaana la shaqaynaynaa, shir danbe iyo talo danbe oo dhulbahante isugu imaanayaan ama jirto, daayeero baa la noqonayaa, cad quudheed baad cunaysaa, sidaasaa la idiinku ducaynayaa, sow maydaan diidan inaad midaowdaan, maamulkiina taageertaa, waxba cali iyo khaatumo ha xagxaganina game is over, fad ama ha fadin waa lagu fadsiin.

  3. Abdi maratoon darwiish

    Nimaanka Godoonka u galaay gefkey galeen Loogu Garaabi Maayo Guurtida
    Daraawiisheed Deg Deg Geedka Xaajadaan Ganafka iyo Gondaha Ka Go Aan
    Hagaleen

  4. Cali baanu taageersanahay, odayaal doonaya inay umada ugu taliyaan talleefoon cidna dhegaysan mayso, markii maamulku idiinka baahnaa taageero inaad la shaqaysaan waa idinkii idinkoo ku xumaynaya cali iyo jifooyin dhulbahante ah halkaas dhigay, hal garaad aan ka ahayn garaad jaaamac ma taageerin maamulkan hal siyaasiya ah dhulka ma imaam fuck off

  5. Abdi maratoon darwiish

    Duul uunku godoonshey gaal madoow dabaguc leynaaya ninkii goobta ay
    Gundoodaan ugu Galaa waa Ala uma Gargaareee

  6. Abdi maratoon darwiish

    Gunimo iyo gobanimo waa labo Aan Gedbooneyn Ninka Godoon U Galoow
    Godolo Kalaad Garaan Gelgelinta isku Garicdiyo Guuldarada Aad Laganboolan
    Doontideeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

  7. Wiil- Cumar- Wacays

    Adeer sootaad taalaada reerka isaga dhaaqaaqdeen mar hoore meel cidla.

  8. Asc. Ramadaan Mubaarak.

    Iska hadloow ina Igare. Xuunshaa iska haw haw lee, haddee, heelada inoo tuma!

    Waxaan uga jeedaa, umaddan SSC yaan la jaahwareerin. G11 sow kuwii la shirayey SL iyagoon taageero ka haysan golaha sare ee dhaqanka waxa loogu yeero, adeer sartuba meeshay ka qudhuntay waa idinka ee hortayada ka leexda qoraal danbana hasoo qorina FADLAN.

    Dhulbahante talo qabeen badan bay leeyihiin waana ka gudbayaan dabinkan aad u dhigteen. Ogaada inuuna jirin wax farqiya oo u dhaxeeya idinka iyo Dr. Galayr.

    Soojeedintaydu waxa ay tahay in aanan lagu degdegin shir weyne Dhulbahante wakhti xaadirkan, waayo CAADDIFAD iyo ka fiirsasho la’aan waxba kuma dhismaan.

    Waa in golaha dhaqanku si degdeg ah waddankii ku soo galaan, waa kuwa maqane, deedna is xogwaraystaan oo baaq wada jir ah ka soo saaraan khiyaamadan qaran ee ay ku kaceen kuwii lagu aaminay masiirkii ummaddan, iyagoo ogaysiinaya hoggaanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Intaa kaddib, waa in looga gudbaa dabinnada ay maleegayaan SSDF iyo SNM iyada oo lala tashanayo dawladda Soomaaliya, waayo arrinkani waa mid heer qaran ah ee maaha mid beel kaliya u yaal.

    Waa in markaa kaddib beeshu magacawdaa guddi xul ah oo lagala tashaday dawladda Soomaaliya illeen arrinku waa heer qarane.

    Waa in dhaqaale kasta oo ku baxaya shirweyne beeshu qabsato, oo ku saabsan arrinkan laguna bedbaadinayo jiritaanka qatanka Soomaaliya ay bixisaa dawladda Soomaaliya.

    Taasi waa iga talo gaaban maaddaama aan ahay muwaaddin Soomaaliyeed oo u dhashay degaannada SSC ee jabhadaha qaran dumiska ahi ku habsadeen.

    Waxaan ugu danbayn ka codsanayaa in dawladda Soomaaliyeed na garab istaagto sidii ay maamulada kaleba u garab istaagtay dhaqaalena ugu bixisay. Oo yaan nala oran matihiin matihiin 2 gobol iyo bar. Waar waa nahay ee waa nala ku habsaday, arrin heer qarana oo ka waynina meesha waa yaal, xaqbaanuna u leenahay intaa nala ku tixgeliyo oo nala ku aqoonsado.

    Bal kawarrama haddii beesha caalamku tiraahdo aqoonsan mayno dawlad Soomaaliyeed waayo dhulba ma haysataan oo Shabaab baa idinka haysta. Sow taasu taageero umay noqoteen cidwalba oo aan doonayn qaran Soomaaliyeed. Sidaa si la mid ah baannu taageero idiin kaga baahannahay, nagamana kiin qabato in aad na tiraahdaan dhul ma haysaan oo waa la idinka haystaa. Wbt

  9. Ramaan Mubarak dhamaantiin..

    Inaabtiday mujaahidad Nina cadday salaan qaaliya meel aad joogtidba…

  10. Iyaa, war illeen belaayo! Aan yara kaftamo marka.

    Haddaad arki jidheen anoo wata cinwaanka “duq Daarood” yarahe xanaaq xanaaq baan dareemay. Lkn maanta waan iska dhiibay cinwaankaa oo arrinku waa heer QARAN. Waayo QARANkii baa duulaan lagu soo qaaday. Marka saasaan cinwaankii Duq Daarood isaga dhiibay maanta.

    Mida kale, erayga iska dhiibiddu ma dhib yara, waayo markaad wax dhiibayso waa in aad haysaa taa beddelokeeda.

    Tusaale, nimankii beesha Isaaq martida u ahaa ee maalin dhowayd qolka isugu soo xireen, bay ina Galayr ku yiraahdeen iska dhiib cinwaanka KHAATUMO, saa intuusan jwbin ba Baashaa yiri oo Faratoonoow adna maxaad dhiibi, suu yiri oo ma’anaa waxba sheeganayaba maxaan dhiibaa? kkkkk iyaa, ina Galayr bay ku yiraahdeen NGO giisii iska dhiib,

    Marka, anigu duq Daarood waan dhiibay oo qarannimo iyo Soomaalinimaan dhaafsaday. Lkn ina Galayr maanta khasaaro iyo magac xumuu bartanka u galay. Waxaan malqi jiray cimri tagay ceeb laguma sagootiyo, odayga magac xumaa meeshaa ka raacday. Waxayna fursad qaaliya siisay beesha SSC ee doonaya in aan qabiil ama jabhad qaran dumis ahi ku metelin aayahooda. Wbt.

  11. Waxaan salaamayaa Nina Barwaaqo Edbiye

    Kkkk midhihii tacabka hala goosto alxamdu lillaah

    Ramadaan mubaarak dhammaan

Leave a Reply

Loading...

Recently Commented

  • ahmed: oo hiirad ma soomali land aya leh dhulkaan ma Burco ayaad mooday reerkiina ayey ahaayeen mar4ka faankiinii iyo...
  • Hirad: Faan weynaa ma heysan karaan sababtay galgala markiiba ugu noqdeen inay Somaliland dacar leefsiinayso
  • NINA: mushkiadu waxaa weeye isaaq iyo majeerteen waxay umadooda u qaybiyaan saliid iyo sonkor ay ku qanacsan yihiin...
  • NINA: majeerteen iyo isaaq waxay NGO yada ka soo barteen siyaasad ah in tuulo walba saliideda iyo sonkorteeda meel...
  • NINA: markii siyaad barre nugaal u qaybuyey sool iyo nugaal waxuu ku soo cadho celinayey mj oo uu kula heshiinayey...