|

Daawo- Beesha Warsangeli oo Ciidan sameysay Magac cusubna la baxay-VIDEO.

Beesha Warsangale oo aragtay weerarada dhinac kasta leh ee ay ku hayaan Garoowe iyo Hargaysa iyo sidoo kale kooxda Al-shabaab ayaa garawsaday in wakhtigan ay u baahan yihiin Ciidan xoog badna oo iska caabiya Kooxaha is garabsanaya ee duulaanka ku haya Beesha warsangali.

HALKAN KA DAAWO……

Ciidan Dag Dag ah oo logu magac daray Gaadhhaye ayaa laga aas aasay deegaanka Maakhir iyada oo hogaamiyayasha Baaq u diray Rag u shaqo tagay Garoowe iyo Hargaysa waxana ay hoosta ka xariiqeen in iyaga oo nool la dhaxli doonin aysan amarnaba qaadanayn in Garoowe loogaso omagacaabo Xildhibanada Dowlada Federalka Somalia uga qayb galaya Deganka Maakhir State.

Iskusoo wada duuboo waxaa Ciidanka Gaadh haye durba ka naxay Jabhada SNM iyo Mamulka Maxamuud Saleebaan oo iyagu wakhtigan la daalaa dhacaya Cudud Awoodeed iyo mid Siyaasadeed oo uga imanaysa Khaatumo State.

Horufadhi.com@gmail.com

WARSANGELI

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=15664

Posted by on Apr 29 2016. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Daawo- Beesha Warsangeli oo Ciidan sameysay Magac cusubna la baxay-VIDEO.”

  1. abdi maratoon Darwiish

    duul miidaamka ka maqan xaajo loosoo malmaluugay lagalama maarmeee

    Micne waxaad leedahay markaad maal kaaga iyo muruqaaga mideyseee

    maxamuud hartoow maadha yaaloow madmadoow maankayga mirey

    Halkaad aduunyada kaga maqnaydeeneee malayga waa lamaraqsadaa

    oo waa macaanyahayeee maatadaada intii nin kale maamulilahaa inaad

    Midigta ku maamusho ayaa madhax rooneee nin talada loomeershey

    Waa maqanaha joogeee maxamuud hartoow miidaamka waa inaad ka

    Muuqataan aduunyada macaashkeeda yaan duul kale idiin matelineee

    Darwiish walaal kaa ah oo daacad kuu ah ayaa maalka iyo muruqa

    Lagula midoobaayeee maandhayaaloow mala awaalka iyo macaan jecesha

    martabad hoose idinku malkaladeeyey muruqiina muujiya maalkiina

    midigta ku qabsada maaweelo garoowe lagasoo melmelay maandha

    Yaaloow meel inaad kaga muuqataan maanka saxa ah macna la aan

    Dheh 30 sano ayaad maaweelo laydiinsoo meerinayeee inaad wax

    Maamushaan ama miidaanka ka muuqataan anaa ku metala maxamuud

    Hartoow martabada aad isku malagteen maankayga maandhayaaloow

    miranweydey meel sare inaad ka muuqataan ayaan maanka ku hayeee

    mara maan lahayn macaan jecel ayaa talada u meerin doona

  2. Kuwana Ma sheeko kaley soo wataan lol kkkkkkk

    Waa la idin burburin hadaad siyaasada cagaha lasoo gashaan

    Nimanka hadlay Waxaan leeyahay ku cibra qaata Khaatumo halkay martay, aayar jooga, Somaliland baa ka masuul ah, ceelaayo dhahar iyo badhan,

    Mushahar hadaad rabtaan Waa la idin siin laakiin ha isku jabhadaynina, jabhad nimo Khaatumo iyo awdal estate baa hore ugu burburay.

    Nalooma jabhadeeyo, waayo nin Horta jabhad ahaa maanta sheekada hadaad ula timaado Waa kula garanayaa, go dadka aad galayso Waa kala yaaqaana,

    Fidmo cagta ha isula galina ku jabi doonto Ma ogide,

    Warsengeli waxba Kama duwana dhulbahante, in fact dhulbahante ayuu kasii Tiro yar yahay. Ha u yeedhanina colaad iyo dagaalo aydin ka bixi doonin

    Viva Somaliland republic

  3. Habar dhaliweydey aleelo ku waalatay!
    Adeer Warsangeli waa Libaax Jiifa haddii Snm ciyaarta ka deyn weydeyna wuu soo toosay ee calaacalka hala joojiyo.
    Viva Maakhir

  4. cid kastaa oo soomali ah xiniinyo ayey leeyihiin ,waxaan dhulbahante raggiisa ahayn oo dabaqoodhi qabiil kale u taagan hadh iyo habeen,kheyrkoodii waa ka hadheen kabo tolenimo ayey laasinteen magacoodu waa midgaha qarniga cusub ee geeska africa.

  5. Dalka wali laguma xukumin inay midgaha qarniga cusub yihiin, laakiin wadadii lagugumayn lahaa ayay cagta saareen oo ay hogaaminayaan garaadadoodu.
    warsangeli dhulkoodii bay deggan yahiin oo caasimaddoodii lama haysto.Warsangeli wuxuu ka digtoon yahay wadada dhulbahante maray wayna ismaamuli doonaan goor aan fogayn.
    Viva Maakhir

  6. Abdi hassan

    Ma hubta intaad warsengeli ka sheegtay lol

    Waxay ku nabad yihiin Waxay kala raacsan yihiin Somaliland iyo puntland

    Laakiin haday isku soo hadal qaadaan maamul goboleed

    Dhabayaco xagay kala gali siday garaadadii idiinka kaxaystay baa iyana looga kaxaysan,

    Anna sidaan idiinku soo diray inama yaryar Oo koofiyad cas ah, bay iyana koofiyad cas ugu diri,

    Iyaku Hal khatar ah bay idin dheeryihiin qolyihii wajiga duubnaana way la joogaan.

    Kolka sadex xagal kaas bay kala raaci.

    Qaar waji duuban Oo ismiidaamiya
    Qaar dhaboyacaysan Oo carar badan
    Iyo Qaar koofiyad cas xidhan Oo RRU ah waxna garaaca

    Puntland iyo Somaliland dhexdooda wax maamul goboleed la yidhaah lagama dhex samayn karo.

    Cidii ku fekertaa Waa la burburinayaa.

    Labada Waxaan ahayn lakala taabici maayo.

    Xamar kii raba garoowe hasii maro,
    Kii dudsana Hargeysa ha Iska yimaado Oo Somaliland haku soo biiro

    Dariiq se sadexaad Ma jiro waxba lagama dhex samayn karo Somaliland iyo puntland.

    Lol

  7. Nimanka hadlay wali may soo hadal qaadin maamul goboleed

    Hadayse soo hadal qaadaan si fiican u daawada lol

    Bahasha waan ka kala saydhin, Waxay nabad ku yihiin Waa intay Somaliland iyo puntland kala raacsan yihiin.

    Haday isku soo qaadaan sidii la idiin ka burburiyay Khaatumo ayaa iyakana looga burburin.

    Mid khatar ah bayse iyaku idin dheer yihiin Waa qolyihii wajiga duubnaa ayaa dhex joogta. Oo ah mid khatar ah ee ay idin dheer yihiin.

Leave a Reply

Recently Commented

  • NINA: Odayadana Waxaan leeyahay dacwad sawt iyo Suurat ah ka gudbiya taliyahaas oo u gudbiya hayadaha mushahaarada...
  • NINA: Taliyahan Waxaan leeyahay’ Kaan qayrak ashtar’kuwii kaa horeeyey baa ku hungoobay adeer laascanod...
  • NINA: Faratoon fursad qaali ah bu haystaa waa in uu caruurta reer miyiga ah iyo geeljiraha u sameeyo iskuulo iyo...
  • Hirad: Xaglo toosiye waa tuug la qabtay talo ma leh Ina ducaale qambi ayaa meesha atoore ka ah
  • Hirad: Bahararsame waxay caan ku tahay dilalka qorshaysan ilaa taariikh fog