WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo gaaray degaan lagu laayay AS kana hadlay howlgalada dalka ka socda

By xuseen waashitoon

November 19, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka ka socda ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka ayaa ku bogaadiyay sida au ugu guntadeen difaaca dhulka, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta Al-shabaab.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen Al-shabaab.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada AS, isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.