WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo magacaabay Guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda

By xuseen waashitoon

June 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 16 xubnood u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiga Xuska oo ka kooban 16-xubnood, waxaana Guddiga Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo iyo inay xiriiriyaan hay’addaha qeybta ka ah qabanqaabada xuska .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga uu magacaabay inay shaqooda si toos ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya Munaasabadda.