WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Duqa Laascaanood ee Puntland oo fariin u diray Shacabka Gobalka Sool iyo sidii Saaka wax u dhaceen-Video

Laascaanod (Horufadhi News)-Duqa  Degamada Laascaanood ee dhowaan Madaxwaynaha Puntland uu magacaabay Cabdiqani Makhtal (Beebe) oo Warbaaahinta la hadlay ayaa Fariin u diray Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdiqani ayaa sidoo kale wuxuu siwayn uga hadlay Xiisada Colaadeed ee hada ka taagan Gobolka Sool, Wuxuuna eedaymo kala duwan u jeediyey Somaliland.

Goob-joogayaal ayaa ii sheegay in rabshadu bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen Askar Soomaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey Baabuur nooca raaxada ah.

“Laba Baabuur ayaa Suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen Ciidamada Soomaliland kadib Wiil Baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen Wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii Suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, Ayuu yidhi Goobjooge Magaciisa diiday in uu xuso.

SOMALI NEWS

To Top