Home » fikradaha You are browsing entries filed in “fikradaha”

Faallo:Garaadada Khaatumo ma gabeen masuuliyadoodii, maxaase ka hadalsiiyey maanta?

Waxaa sanadkii 2011 ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool shirkii ugu weynaa ee cariga soomaaliya ka qabsooma ee ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 13-ka Garaad ee deegaankaas, cuqaal kor u dhaafaysey 63 cuqaal, iyo in kabadan 6000 oo […]

August 15th, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Maqaal: Shirarka Nairobi iyo xubnaha Muraayadda dadka iyo deegaamada Khaatumo dedaalkooda.

Bishan July 21keedii waxa duleedka Nairobi degmada Langata ka furmay shirweyne cilmiyeysan oo ay soo qaban qaabiyeen dadka la bido aqoonta iyo waxgaradnimada Khaatumo kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dad magac kuleh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo tan Khaatumoba, waxana dadkaas laga xusi karaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaadhsiinta Dr Abdelkareem Hassan Jaamac, Dr. […]

July 26th, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Faallo: Guulleed Garaad maamulka Somaliland waad u Quus-goyseen, Fig mar ah baase idiin Hadhay.

Inkastoo geeriyi dhacday, hadana Soomaali waxay ku maah maahdaa, Raqba waa ku Raggeeda, Guulleed Garaad waxay jilibka u aaseen Aafo Bahdil ku salaysan oo markale Dhulbahante soo foodsaartay, ayna dhigeen dhitadeeda maleeshiyaadka iyo maamulka beesha Isaaq ee cadowga ahi, kuwaasoo doonayey inay qabiilka dhan ee Dhulbahante guud ahaan , gaar ahaan beesha GG si buuxda […]

July 12th, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Maqaal:Madaxweyne Geelle Hogaamiye ku haboon hogaanka dalkiisa & Isku hayayaha midnimada Soomaaliyeed,WQ. S Hashi.

Dalka Jamhuuriyadda Djibouti waxa ka soconaya ololaha doorashada madaxtinimada iyo tan guud ayaa ololaheedii ku jira Gabagabadii ugu danbeysay, shacabka Jabuuti waxay qaadanayaan Go’aamadii ugu danbeeyey ee ay ku kala dooran lahaayeen inay qaataan midka horusocodka ah ee hayaanka dheer ee uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelleh ka soo dhaqaajiyey dalka god hoose, asagoo haatan ka dhigay dal […]

April 5th, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Taariikhdii Daraawiisheed ee uu Soo gabagabeeyey S Hashi Dheere?

TAARIIKHDII DARAAWIISH OO UU DHAWAAN SOO GEBAGEBEEYAY SALMAAN XASHI-DHEERE ilaa hadda Soomaali badan baa ku muransan, muxuu ahaa nuxurka iyo ujeedadii  Darawiish. Ma urur diimeed? Ma urur gobanimo-doon? Mise sida Ingriis ku tilmaami jiray koox isu bahaystay dhac iyo dil oo uu hogaaminayo nin xukun jacayl madax-maray? Muxuu halgankii Daraawiish u so af-jarmay? Dagaalkii Daraawiish […]

March 1st, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Dhamaadka Barnaamijkii taariikhdii Daraawiisheed iyo Mahadnaqa cidii mudan.

Allahyow cisyaankaan daldalay , dereji ii dhaafi Allahayoow waxan hore u dulmiyey , ha igu deymeynin  Dabka ololi naartii Allow, derekadaa hoose Allahayoow Ibleys ha igu darin , Duulka lagu Biirsho. Mahad idilkeed Eebe weyne ayaa iskaleh, Nebigeeniina NNKH ,Mudo sanad ah waxan soo waday duubtaan hadhiimo ah oo aan si buuxda barta Youtube-ka ugu […]

February 23rd, 2016 | Posted in fikradaha,suugaan,wararka | Read More »

Maqaal: Soomaalida iyo Sanadka Miilaadiga ah?

Soomaalida iyo Sanadka Miilaadiga ah? Dad badan oo Soomaaliyeed waxay hambalyeynayaan qaraabadadooda, ehelkooda iyo saaxibadooda Lajiga sanadka cusub awgii, kuwa kalena waxay canbareenayaan kuwa ayagu wax Hambalyeynaya, kuwa sadexaadna waxay weerarayaan sanadka cusub laftiisa oo weliba kuwa qurbajoog ah waxay sameeyeen boodhadh lagu xardhay hal-ku dhegyo ka dhan ah sanadka cusub ee miilaadiga ah oo […]

January 2nd, 2016 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Maqaal: Xildhibaanada Khaatumo ee dawladda dhexe oo noqday magac u Yaal. .

Dalka Soomaaliya hada wuxuu qaaday dhabo lagu sheegay maamul goboleedyo, guud ahaan 18kii gobol ee dalka waxa ka jira maamulo marka laga reebo labada gobol ee hada la dhisaayo ee Hiiran iyo Sh.Dhexe, inta dhisantay marka laga reebo labadii maamul ee habka qabiil ku uskumay ee Puntland iyo S/Land waxa dhidibada u taagay Xildhibaanadoodii barlamaanka […]

December 28th, 2015 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Khatarta weedha ”Dadka Afsoomaaliga ku hadla” iyo Cunsuriyiinta Faafsha, W/Q. S Hashi Dheere.

Waayaaha aduunyada wacyiga aynu hada joogno wuxuu ku barayaa inaad waxyaalo badan u noqoto makhraati, dadyawga aadanaha ee dalalka xorta ah midkastaa wuxuu lee yahay wax uu hiigsado oo uu ka doono meel kale, dal kale ama qaarad kale, waxaa jira wax ay ayaga gudahoodu isku qab qabsadaan ama Afrikaan dheh ama Uruba dheh, ama […]

December 22nd, 2015 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Amiin Caamir : Soomaali Dhab ah oo dhalad ah W/Q: Axmed Tabaatiig.

Waxaan youtube-ka ka dhegeystay hadal uu farshaxan-yaqaanka Soomaaliyeed Mudane Amiin Caamir dad soomaliyeed u jeedinayey isagoo la yaabban sida Soomalida wax ma garadka ahi isaga ula dhaqmaan. Wuxuu sheegay in qaar dadkaas ka mid ahi ku yiraahdeen “waar adigu Soomaaliba matihide maxaa arrimaha Soomaalida kaa galay” halka qaar kale oo la kulmay yiraahdeen “oo Amiin […]

December 22nd, 2015 | Posted in fikradaha,wararka | Read More »

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...