“Author Archive”
Stories written by xuseen

Doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare oo ka dhaceysa Jowhar, xili khilaaf…

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Hirshabeelle Doorashada dhaceysa ayaa waxaa kursiga koowaad ku tartamaya Afarax Musharax, halka kan labaad ay ku tartami doonaan shan Musharax, kuwaasi oo laga dooran doono […]

September 18th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

Guddiga Doorashada Somaliland oo Codsi u diray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland. Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO:-Guddoomiye Mursal oo Doorashooyinka kala hadlay Sweden

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Per Lindgarde. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka. Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Safiir Per Lindgarde […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

DEG DEG:-Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Agaasimaha KMG ee hay’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir. Wareegto uu soo saaray Taliye Bashiir Gooble ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Banaadir loogu magacaabay inuu noqdo G/lle Muxidiin Maxamed Jaamac (Warbac), isagoo […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO:-Wasiir Dubbe oo kulan la yeeshay Wafdi soo gaaray Muqdisho

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Obokar Dubbe ayaa manta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya. Kulaanka qaabilaadaasi oo ahaa mid  isbasho ah, waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyta Hay’adda iyo Wasaaradda Warfaafinta,iyadoo ay ka qeybgalay wakiilka hay,adda qaxootiga aduunka UNHCR […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO:-Xukun lagu riday Rag magaca Al-shabaab dadka ku baadi jiray

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo lagu helay dembi ah in ay dadka lacag kaga qaadi jireen magaca Al-shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen. Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxii Is-miidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qarax Is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla albaabka laga galo Xerada Xalane, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii  Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

Hanti-dhowrka Qaranka oo Arrin muhiim kala hadlay Midowga Yurub

Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa maalintii shalay aheyd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay Wakiillo ka socday Midowga Yurub. Kulanka dhexmaray Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud iyo Wakiilada ka socday Midowga Yurub ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dadaallada socda ee ku aaddan dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

Guddoomiyaha G/Banaadir oo War kulul kasoo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa si kulul uga hadlay qarax Is-miidaamin ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla degmada Wadajir. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qaraxaas oo lala beegsaday Bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ku […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

DAAWO:-Doorashada Senataro cusub oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la filayaa in mar kale halkaas ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas. 24 Musharax ayaa ku tartamaya 5 kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaana doorashada ay saacadaha soo socda ka bilaaban […]

September 15th, 2021 | Posted in wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 920

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 920

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 921

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 921
  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...