|

DAAWO:-RW Rooble oo Digniin kasoo saaray Guddi uu magacaabay Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jawaab ka bixiyay Guddiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baariista kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sharci darro ku tilmaamay in gal dacwadeed hor yaalla Maxkamad loo magacaabo Guddi baaris, isagoona xusay Rooble in Guddiga Farmaajo magacaabay uu baalmarsan yahay dastuurka iyo shuruucda dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in arrin sax ah aysan aheyd in xubno ka tirsan Hay’ad loo heysto dacwad ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska, taasina ay lid ku tahay Cadaalad u helida qoyska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale adkeeyay in Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ee gacanta ku haaya gal dacwadeedka kiiska Ikraan inay dardar-geliyaan, si qoyska Ikraan ay u helaan Cadaalad madaxbanaan oo ka maran faragelinta hay’addaha fulinta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruha ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=98295

Posted by on Sep 14 2021. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/innerWideSidebar.php on line 17

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 920

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/horufadhimedia.com/public_html/wp-content/themes/horufadhi/includes/theme-plugins.php on line 921

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...