|

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeyb kamid ah Suuqa.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid ka dhashay Haan Gaas oo aad u buuxday, waxaana sigaar ah ugu dhex qaraxday goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa, laguna magacaabo Waayo-arag Electronic.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in qaraxaas uu geystay khasaaro kala duwan, wallow aan la cadeyn tirada khasaaraha jira, iyadoo dadweyne badan oo Ganacsato iyo kuwo kale ah ay hareereeyeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo u maleynayay qaraxaas inuu ka dhashay walxo qarxa ayaa si deg deg ah u gaaray goobta, isla markaana xiray aaga, sidoo kalena hakad geliyay isku socodka.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa degan, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray goobtu qaraxu ka dhacay oo aheyd Waayo-arag Electronic, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=89923

Posted by on Jan 13 2021. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...