|

Weerar lagu qaaday goob ah ka socotay Diiwaan-gelinta Doorashada Somaliland

Wararka Caawa aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar lagu qaaday goob ku taalla halkaas oo ay ka socotay diiwaan-gelinga Cod-bixiyaasha Doorashada Somaliland.

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray goobta ay socotay diiwaan-gelinta doorashada oo sigaar ah ugu taalla meel ku dhow hotelka Ataash ee Laascaanood, waxaana baxday ragii ka dambeeyay falkaas.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dhawaqa gambada la maqlay, kadibna ay xigtay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland oo xiligaas aaga ka agdhawaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka ay ku dhaawacmeen laba Askari iyo qof shacab ah, waxaana haatan degan xaaladda, iyadoo Ciidanka Maamulka ay la wareegeen gacan ku heysta goobtii la weeraray.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Caawa lagu soo warramayaa in Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka wadaan howlgal kala duwan oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay weerarkii halkaas ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay Laascaanood, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ka socotay diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashada Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=89897

Posted by on Jan 12 2021. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...