|

Mucaaradka oo Beesha Caalamka u gudbiyay Caqabado heysta Doorashada 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Beesha u diray Qoraal ay kala hadleen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowda sanadkaan 2021 iyo sida loo xalin karo.

Qoraal loo diray Wakiilada Beesha Caalamka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa waxaa siweyn loogu faah faahiyey caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada oo ay isku hataan Musharaxiinta, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda.

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in xalka uu noqon karo in Hal magaalo lagu qabto doorashada in Arrinta kuraasta Gobolada Waqooyi loo daayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Musharaxiinta Madaxwrynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo ay magacaawday dowladda Federaalka.

Qoraalkaan Beesha Caalamka loo gudbiyey ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble uu ku dhawaaqay in la guda galayo hirgelinta doorashada, xili weli ay tabashooyin qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=89890

Posted by on Jan 12 2021. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...