|

Xubno Soomaliland ugu jira aqalka sare oo kasoo horjeestay Guddoomiye Cabdi Xaashi-Akhriso

Muqdisho (HM)-Qaar kamid ah Senatarada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa kasoo horjeestay mowqifka guddoomiyaha aqalka sare uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka.

Shir jaraaid oo ay qabteen ayay ku sheegeen in guddoomiyaha aysan ku raacsanayn diidmada guddiyada doorashooyinka gobolada waqooyi ee dowladdu magacowday waxayna sheegeen in ay tahay diidmo shakhsi ah oo uusan cidna kala tashan.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu guddoomiyuhu la tashado uu talada ka qaato siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda  oo dano gaar ah wata, kuwaas oo iskugu jira kuwa kasoo jeeda Somaliland iyo kuwa kale oo aan kasoo jeedin deeganadaas.

Waxay kaloo ku eedeeyeen guddoomiyaha aqalka sare in  qoraalada uu saarayo aysan ahayn kuwa aqalka sare u codeeyeen oo la isku waafaqsan yahay ayna u arkaan aragtiyo isaga u gaar ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=88265

Posted by on Nov 19 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...