|

Daawo:-Itoobiya oo amar culus dul dhigtay Ciidankeeda ka tirsan AMISOM ee jooga Soomaaliya-Video

 Muqdisho (HM)-Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ku baaqday in hub ka dhigs lagu sameeyo Askarta ka soo jeeda qowmiyada Tigrayga ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Amarkan ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid wiiqaya awood ciidamada Itoobiya eeku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga Ururka Al-shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in 200 ilaa 300 oo Askari oo Tigray ka howlgala Soomaaliya durbaba hubka laga dhigay waxeyna dowladda Itoobiya sheegtay in arintan ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa horaantii bishan bilaabay in ay la dagaalamaan Jabhada gooni u goosadka ee TPLF, waxaana dagaalka ay dowladdu la gashay uu u muuqdaa mid saameyn weyn ku yeeshay gobolka oo Soomaaliya ka mid tahay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=88280

Posted by on Nov 19 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...