|

Afhayeenkii Isimada Dhaqanka Puntland Garaad Ciid oo maanta ku geeriyooday Turkiga.

Laascaanood (HM)-Afhayeenkii Isimada dhaqanka Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsaneyey.

Geerida Garaadka oo ka mid ahaa isimada ugu miisaanka culus deegaanada Puntland ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah eheladiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi ayaana door muhiim ah kasoo qaatay dhismihii maamulka Puntland.

Madaxweynaha Mamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyey geeridka madax kale, waxgarad, isimo, siyaasiyiin, aqoonyaan iyo masuuliyiin kale

Iyagoo Alle uga baryey inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=88276

Posted by on Nov 19 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...