|

Daawo:-Deni oo Beesha caalamka ugu baaqay faragalinta Soomaaliya, xili Xukuumaddu u digtay Beesha caalamka-Video+Warbixin

Muqdisho ( HM )-Qof walba taariikhda meel ayuu ka galayaa, arintu mar waxay dhex taallaa Soomaali, marna waxay dhex joogtaa Soomaali iyo Shisheeeyee. Laba hadal oo ay kala sheegeen Ra’iisal wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed{Khadar} iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Abdullaahi Deni, runtii midkastaa in la taariikheeyo oo meel lagu qoro berina lagu xisaabtamo ayeey mudan yihiin.

Ra’iisal wasaare Khadar wuxuu u digey dalalka siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya faragelinaya, wuxuuna yidhi “Dalkeena dastuurkiisa, madaxbanaanidiisa iyo go’aamadda hay’adihisa dastuuriga ah ma faragelin karaan dalalka shisheeye” Waana uga digeynaa!

Waa hadal geesinimo,gobonimo iyo hogaamiyenimo Soomaaliyeed xanbaarsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid deni wuxuu yidhi “dalalka beesha caalamka waxan ugu baaqaynaa inaysan markeey wax dhacaan uun ka hadlin arimahee ay toos u soo farageliyaan, oo go’aamada dalka Somalia wax ku yeeshaan, oo hay’adaha dhex galaan”.

Hadaba, qofkastoo Soomaalinimo ku jirto waxan weydiinayaa, masuulka maanta isagoo gobol haysta waxaas ku tiraabay ma mudan yahay in qof damiir Soomaalinimo ah leh ka aamuso? Mase mudan yahay inuu dad iyo deegaan Soomaaliyeed sii masalo? Shacabka reer Puntland, oo wadaniyad iyo sharaf badnaan iyo halgan weligood ku suntanaa, hadeey arintan ka mudahaaradi waayaan, kana dhiidhiyi waayaan, gabayo iyo geeraaro ayaa waajibaya in loo tiriyo.

Mudane Deni, waa muhiim in la kala barro Farmaajo colaada uu u qabo iyo qaranimada, shatafta, madax banaanida iyo gobonimada Soomaaliyeed. Dalkeenu 60 sanno ka hor ayuu xoroowbey, Talyaani iyo Ingiriisna waa laga waday, si kastoo aan u bur bursanahay toban qof hadeey naga hadhaan yeeli mayno inaan gumaysi cusub ku casuuno.

W/Q : Suleiman Xaashi

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=85885

Posted by on Jul 27 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...