|

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha diblomaasiyadeed ee Shir-guddoonka Golaha Guud ee UN-ka

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Golayaasha Dowladda guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.


Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xidhiidhay Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=85217

Posted by on Jun 30 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...