|

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka matelaada Gobolka Banaadir-Akhriso

Muqdisho (HM) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Illaa 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare , halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Muddooyinkii dambe xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood kaliya gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.

Waxaa jiray saaka xildhibaano dhawr ah oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in kulankaan aan loo golaan saxaafadda taasoo uu diiday guddoomiyaha, waxayna xildhibinaadaas ahaayeen kuwa diidan in Gobolka Banaadir uu maqaam ku yeesho aqalka sare.

Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=85149

Posted by on Jun 27 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...