|

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta meel mariyey xeerka kuraasta goballada waqooyi.

Muqdisho (HM) – Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday xeerkaasi.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada Soomaaliya.

Xeerka kuraasta gobollada waqooyi ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=84981

Posted by on Jun 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta meel mariyey xeerka kuraasta goballada waqooyi.”

  1. Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay waxay dejinayaan sharci dalka khuseeya 168 xildhibaan waxa maqan 117 xildhibaan xagay jiraan? Mushahar ma u socdaa?

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...