Home » April 19th, 2020 Entries posted on “April, 2020”

Puntland oo caawa shaacisay in qofkii ugu horeeyay ee laga helay cudurka Coronavirus-Video

Garoowe (HM)-Puntland ayaa shaacisay caawa in deegaanada maamulkaasi laga helay kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka Coronavirus ee halakeeyey inta badan dalalka caalamka. Guddiga ka hortagga Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in cudurka Covid-19 laga helay mid ka mida laba qof oo baaritaan lagu sameeyay markii looga shakiyey, waxaan qofka cudurka laga helay uu […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida & Sucuudiga oo fasaxay Xoolihii Soomaalida-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay si KMG ah xayiraadii uga qaadeen xoolaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya oo dhowr jeer ay u saareen xayiraado xilliyo kala duwan. Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in la qaaday xayiraadii Xoolaha looga keeni jiray Soomaaliya. HALKAN […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Soomaliland Muuse Biixi oo ka hadlay dagaalka gobolka Sanaag.

Laascaanood (HM)-Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay dagaalka ka soconaya Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Fadhi-gaab halkaasoo ay ku dagaalameen Beelo wada dega halkaa. HALKAN KA DAAWO VIDEO

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Dagaal khasaare dhaliyey oo ka dhacay Gobolka Sanaag iyo Wararkii ugu dambeeyay.

Laascaanood (HM)-Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacey deegaan lagu Magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed,waxaana dad ku sugan degmada Ceelafweyn oo uu hoostaga deegaanka lagu dagaalamey ay sheegeen in dagaalka laba ruux ay ku geeriyoodeen saddex kalena […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Soomaliland oo baahinaysa natiijada 11 ruux oo looga shakiyey cudurka Coronavirus-Akhriso

Laascaanood (HM)-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay soo bandhigeyso natiijadda kasoo baxday 11 qof oo ay ka baartay fayruska safmareenka ah ee Corona. Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaraddaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in in dheecaanada dadkaas ay u direen dibadda, wallow uusan magacaabin waddanka. Sidoo kale, […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Coronavirus-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay caawa in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aaso dadka u geeriyooda cudurka Coronavirus. Shir jaraa’id oo ka dhacay xafiiska R’iisal wasaaraha ayuu ku sheegay Cumar Filish in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Covid-19, wuxuuna sheegay in loo diyaariyay koox gaar […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Akhriso:-Turkiga oo u sacabo tumay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Biixi.

Hargeysa(HM)-Dawladda Turkey ayaa si weyn u soo dhawaysay kulankii bishii February ee sanadkan Addis Ababa ku dhex maray madaxweynaha maamulka  Somaliland Muuse Biixi  iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Safiirka Turkey u fadhiya magaaladda Muqdisho Mehmet Yilmaz, oo waraysi ay al yeelatay idaacadda VOA, ayaa mar la weydiiyay wada hadaladii uu Turkigu odayga […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Dowladda Turkiga oo markii ugu horeysay shaaca ka qaaday cadadka Lacag ay bil kasta siiyaan Soomaaliya.

Muqdisho  (HM)– Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey cadadka lacag ay bil walba siiso Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Mehmet Yilmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho oo wareysi gaar ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa banaanka soo dhigay in lacagtaas ay gaareyso 2.5 milyan oo Doolar. Diblumaasiga […]

April 19th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Puntland oo Ciidamo u adeegsan doonta xidhida Masaajidada ku yaala deegaanada maamulka.

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu joojinayo salaadda Jimcaha iyo Salaadaha jameecada in lagu dukado Masaajidada ku yaalla magaalooyinka Puntland, si looga hortago cudurka Coronavirus. War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga diyaar garowga iyo ka hortagga Coronavirus, guddi hoosaadkiisa Amniga ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga la farayo sidii ay u hirgelin lahaayeen […]

April 18th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Sacuudiga oo go’aan kasoo saaray in Masaajida lagu dukanayo Bisha Ramadaan.

Muqdisho  (HM)-Muftiga Sacudi Carabiya Sheekh Cabdulcasis Aal Shiikh ayaa shaaca ka qaaday in bisha Ramadaan salaadaha aan lagu dukan doonin masaajida kala duwan ee kuyaala dalkaasi si looga fogaado in uu faafo caabuqa Caronavirus. Waxa uu sheegay Sheekh Cabdulcasis Aal Shiikh in dadka muslimiinta ah inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee Ramadaan in salaadaha faradka […]

April 18th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...