|

Deg Deg:-Qofkii ugu horeeyey oo dalka Kenya ugu geeriyooday cudurka Coronavirus.

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in qofkii ugu horeeyey uu gudaha dalkaas ugu dhintay cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in qofka dhintay uu ahaa muwaadin ka soo laabtay Koonfur Afrika 13-kii bishan Maarso, laguna karantiilay magaalada Nairobi.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo nin ahaa ay da’diisuna ahayd 66-sano jir uuna qabay xanuunka Macaanka.

Ninka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 28 qof oo dowlada Kenya u diiwaangelisay in laga helay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalalka caalamka qaarkood.

Kenya ayaa qaaday talaabooyin lagu xakameynayo faafida cudurkan, iyadoo dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah, waxaana sidoo kale la xiray maqaayadaha iyo goobaha kale oo dadku ku kulmaan.

WARARKII UGU DAMBEEYAY HALKAN KA DAAWO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82986

Posted by on Mar 26 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...