|

Dad isku Qoys ah oo la sheegay in ay ku dhinteen qaraxii Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Fahfaahino dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxii Arbacada maanta ah ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay falkaas, halka tirro intaas ka badan uu kasoo yeeray dhaawac.

Saalax Carab, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo si kooban uga hadlay dhacdada, ayaa xusay in dadka dhintay ay kasoo jeedaan hal qoys.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshada ee Facebook ayuu ku shaaciyey in shaqsiyaadkaas ay dhinteen markii Isbitaalka la geeyay.

Sidda laga soo xigtay Mr Carab, weerarka wuxuu ahaa is-miidaamin uu fuliyey naftii halige la tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

“Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar ahaan suuq yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin 1 Qoys, Inkastoo markii danbe ay Isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyskii. Allaha u naxriisto,” ayuu yiri, isagoo tacsi u diray ehelada ay ka baxeen dhamaan marxuumiinta.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay gacan ka geystaan xaqiijinta xasiloonida caasimadda isla markaana ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka siddii loosoo qabqaban lahaa dambiileyaasha.

Qaraxaan ayaa yimid iyaddoo maalmo kahor Al-Shabaab ay burburisay qaar kamid ah Kaamirooyinka qarsoon ee waddooyinka Muqdisho, kuwaas oo gacan ka geystay in ay hoos u dhacaan falalkaas.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82957

Posted by on Mar 25 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...