|

Soomaaliya oo digniin u dirtay dalalka cadaadiska ku saara inay la safato-Video

Muqdisho (HM)-Soomaaliya waxay dhabarka aadin doontaa waddan walba oo isku daya in uu ku cadaadiyo in ay la safato, siddaas waxaa ka dhawaajiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka, Axmed Ciise Cawad.

Diblumaasiga ayaa hadaladaas ku sheegay wareysi gaar ah oo todobaadkaan uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Daljir.

“Annaga horta waxaynu nahay dal xor ah qaranimadiisa leh qoladii isku dayda in ay na tiraahdo annaga ama qoladaas waa qolo aan na baranin oo aan na aqoonin. Qolyo badan ayay arrintaasi u suurtoobi weyday,” ku jawaabay markii la su’aalay waxay ka yeelayaan hadii uu dal ku cadaadiyo in ay kala saftaan wadan kale oo ay is-hayaan ama khilaaf culus uu kala dhaxeeyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wallow uusan magacaabin wadamada isku dayey in ay cadaadiyaan, wuxuu raaciyey: “Marka annaga nalooma yeerin karo in aan dalal kala doorano”.

“Waxa ugu fiican oo aan sameyn karo waa in aan isku soo dhaweyno ama khilaafkaasi nama quseeyee aanu banaanka ka joogno oo dhexdhexaad ka ahaano, waanna isku deynay,” ayuu tibaaxay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu taagan yahay is-qabqabsi u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, kaasoo Muqdisho ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaas, wallow ay jiraan warar kale.

Khaahira iyo Addis Ababa ayaa isku haya biyo-xireen loo sameynayo Webiga Niil, kaasoo ay ku baxeyso malaayiin Doolar.

Siyaasiyiinta gudaha ayaa rumeysan in Ergada Soomaaliya ee Jaamacada Carabta ay taageereen qaraar lagu cambaareynayo Itoobiya laguna taageerayo Masar, balse Villa Soomaaliya ay ka noqotay go’aanka.

Xukuumadda ayaa qarisay wafdiga ka yimid Masar oo la kulmay madaxweyne Farmaajo isla markaana ka codsadey in dalka uusan ka noqon taageeradaas, taasoo u muuqaneysa in ay dhacday.

Dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Abiy Axmed ee haatan ka taliya Itoobiya ayaa kawada shaqeynaya qorshaha Is-dhexgalka Geeska Afrika, kaasoo ku saabsan Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82939

Posted by on Mar 24 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...