|

Itoobiya oo ku dhawaaqday inay xidhatay xuduudaheeda si ay uga hortagto Coronavirus-Akhriso

Jigjiga (HM)- Dowladda Itoobiya ayaa xidhay dhamaan xuduudaheeda si ay uga hortagto faafitaanka cudurka COVID – 19, sidda ay warbaahinta dalkaas kasoo xigatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Wargeyska Addis Standard ayaa baahiyey in sidoo kale Abiy uu amray in la karan-tiilo dhamaan dadka galaya gudaha waddankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah, 23-ka Maaj, sanadka 2020.

Sidda ay muujinayaa warbixinadda, xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale ku dhawaaqdey in ay dagaalka ka dhanka ah caabuqaas u diyaarisay shan milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Go’aanadaan, sidda laga soo xigtay jaraa’idka, ayaa kasoo baxay kulan uu Abiy la yeeshay madaxda laamaha kala duwan ee ammaanka.

“Hay’addaha kale ee dowladda waxay ka shaqeynayaan fududeynta in ay dhaqan-galaan guud ahaan amaradda,” sidaas waxaa baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya.

Talaabooyinka ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya in dowladdu soo rogi doonto bandow dadka faraya in aysan kasoo bixi guryahooda.

Itoobiya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay lix kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Balse waxay fariisin u noqoneysaa halka laga daadgureynayo deeq balaaran uu Shiinaha ugu talagalay qaarada Afrika.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82907

Posted by on Mar 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...