|

Daawo:-Shiinaha oo war cusub kasoo saaray cudurka Coronavirus iyo wararkii ugu dambeeyay-Video

Muqdisho (HM)-China ayaa ku warrantay in maalinkii shanaad oo xiriir ah aan gudaha dalkaas laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka Coronavirus ee caalamka kusii fidaya, kaasi oo markii hore kasoo billowday dalkaas.

Waxay sidoo kale sheegtay in tirada kiisaska la diiwaan geliyey ee dadka ka imanaya dibedda ay maanta hoos u dhacday.

HALKAN KA DAAWO WARKA

China ayaa Axaddii xaqiijisay 39 kiis oo Coronavirus ah, taasi oo ka yar 46-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor. Dhammaan kiisaskaas ayaa ah dad dibedda kasoo safray oo badankood ah arday Shiinees ah oo dalka kusoo laabanaya.

Dhinaca kale magaalada caasimadda ah ee Beijing ayaa sare u qaadday tallaabooyinka lagu xakameynayo fayruska loo soo dhoofiyo, ayada oo dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in laga billaabo Isniinta ay u weecdaan magaalooyin kale, sida Shanghai iyo Xian, halkaasi oo rakaabka ay ku mari doonaan tijaabo.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82931

Posted by on Mar 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...