|

Daawo:-Guddiga doorashooyinka Somaaliya oo soo saaray war Deni ka xanaajiyey & digniin uu ka diray safarkiisa Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa bil ka dib soo dhoweeyay ansixinta iyo saxiixa sharciga doorashooyinka heer federaal iyo meelmarintiisa, wuxuuna guddiga ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday.

Sidoo kale Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka codsaday goleyaasha sharci dejinta iney dedejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga Xisbiyada oo hadda horyaala Golaha Shacabka si xisbiyada ugu gudbaan xisbiyo rasmi ah oo sharciyad u leh iney ka qeyb galaan doorashada 2020/21.

Hase ahaatee Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa SI deg deg ah u sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadalka guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadal guddiga doorashada mid aanu u muuqan in sharci lagu taageerayay, balse ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”ayuu yidhi madaxweyne Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82900

Posted by on Mar 22 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...