|

Tiradda dadka u dhintay cudurka Coronavirus oo gaadhay11,000.

Muqdisho (HM)-Tirada dhimashada xanuunka coronavirus ayaa kor u dhaaftay 5,000 gudaha Yurub, waxaana uu si daran ugu faafay Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka, waxaana ay soo tebiyeen inuu sare u kacay cudurka, iyadoo dhimashada adduunka dhan ay kor u dhaaftay 11,000.

Talyaanigu wuxuu shaaca ka qaaday 627 dhimasho oo dheeri ah Jimcihii,  Wadarta tirada dadka ku dhimatay Talyaaniga ayaa hada gaartay 4,032.

Waxaa sare u kacay tirada dadka u dhintay cudurka Corona gudaha waddanka Spain oo ay waxay gaartay 1,002 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Ku dhawaad 20,000 qof ayuu ku dhacay cudurka gudaha Spain halka 1,588 ay ka bogsadeen cudurka.

Xog ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka, waxay muujisay in in kabadan 260,000 Kiis in ka badan  166 wadan, halka 87,000 qof oo badankood kasoo jeedda dalka Shiinaha ay ka bogsadeen.

wararkii ugu dambeeyay

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82823

Posted by on Mar 21 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...