|

Video:-Ruushka oo Soomaaliya kala shaqaynaya arrimaha deyn cafinta.

Muqdisho (HM)-Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta la iska arko (Video Conference) kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda maaliyadda Ruushka.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta iyo sidii Ruushka uu uga cafin lahaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Maksimov ayaa kulanka fadhiyay iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan, waxaana ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafin lahaa.

Dowladda Ruushka ayaa ah dowladda labaad ee lacagaha ugu badan ku leh Soomaaliya, iyadoon rajo weyn laga qabo in laga cafiyo deymahaas dowladda Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82850

Posted by on Mar 21 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...