|

Daawo:-Suuqa Lacagaha qalaad ee Forex oo si wayn looga digay & Soomaliland oo mamnuucday-Video

Muqdisho (HM)-Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay ka taagneyd Xasarad ka dhalatay Lacago la sheegay in Dadkii lahaa ay khasaareen markii ay gashadeen Adeega Forex ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa uu si kulul ugu hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee  Forex.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu sheegay in Forex ay ula mid tahay Al-Shabaab oo kale, islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay waajib tahay in maamulka gobolka uu arintan markasto ka hadlo.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu xusay in adeega Forex uu halis ba’an  ku yahay shacabka  Soomaaliyeed, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka ku lugta leh ama lacagaha gashtay ay ka fogaadaan, si aanu u gaarin dhibaato dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Filish guddoomiyaha gobolka Banaadir oo  sidoo kale dhawaan ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa horey u sheegay inuu aaminsan yahay in adeeggan Forex uu yahay mid dalka dibadiisa laga soo abaabulay dhibaatana uu ku yahay dhaqaalaha dalka.

Adeegga Forex ayaa ku soo badanaya dalka iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay haatan ka furan yihiin xarumo faro badan waxaana sidoo kale adeegaan uu ku sii faafay gobolada dalka. Sidoo kalena marar kala duwan ayaa waxa aadeegan uu buuq ka abuuray Baraha Bulshada iyadoo Culumada Soomaaliyeedna ay marar badan kasoo saareen Fadwooyin ay ku xaaraamtimaynayaan adeegaasi, Sidoo kalena Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa isaguna Bulshada uga digay adeegan, Maamulada Puntland iyo Soomaliland ayaa iyaguna deegaanadooda ka mamnuucay adeegan Forex.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82140

Posted by on Feb 24 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...