|

Itoobiya oo war kasoo saartay raali-galintii Madaxweyne Farmaajo siiyey maamulka Soomaliland.

Hargeysa (HM) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii Siyaad Barre ee deegaanada Somaliland.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen.

Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”.

Sidoo kale waxa warbixintaasi lagu sheegay in Labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay oo albaabadu u xidhnaayeen.

“Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri Warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid iyadu door weyn ka ciyaareysa in dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jirey, iyo weliba dajinta xiisada ka dhaxeysa labada dhinac.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82121

Posted by on Feb 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...