|

DEG DEG Daawo:-Ruushka oo war kasoo saaray Saldhiga Berbera & inuu dhisanayo-Video

Hargeysa (HM) –  Dowladda Ruushka ayaa markii u horeysay si cad uga hadashay warar sheegaya in damaceeda uu yahay inay magaalo xeebeedka Berbera ka sameysato Saldhig Milateri.

Ruushka ayaa xaqiijiyey inuusan waqti xaadirkan uusan diyaar u aheyn inuu Berbera ka sameysato Saldhig Milateri, sida uu sheegay Danjire Mikhail Golovanov.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mikhail Golovanov oo ah safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Ruushku aysan wax saldhig ah ka sameysaneen Berbera, isagoona xusay in wax wada-hadal ah oo arrintaasi ku saabsan aan la qaban.

Mikhail ayaa isagoo si kooban uga hadlaya arrinkaasi waxa uu yiri “Ruushku, ma waddo inuu dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada-hadalo arrintan ku saabsan lama qabanin”.

Hadalkan Mikhail ee uu ku cadeynayo in dowladiisu ay waqti xaadirkan aysan qorsheyneyn in saldhig Milateri ay ka sameysato Berbera, ayaa waxa uu ku soo aadaya Warbixin si weyn u faaftay oo uu Wargeyska New York Times uu ku sheegay in uu Ruushku wado qorshe uu Berbera kaga sameysanayo saldhig Milateri.

Warbixinta Wargeyska oo soo baxday horaantii bishan ayaa waxa ciwaan looga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer  Galbeed badan oo ka wer-wersan”.

Waxaana warbixintaasi lagu sheegay in dowladda Ruushka ay si dhow isha ugu hayso magaalo xeebeedka Berbera, oo ay rabto inay saldhig ka sameysato, inkasta oo dowladda Ruushku ay iska fogeysay xaqiiqada qorshahaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82128

Posted by on Feb 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...