|

Maxaa kala socotaa Dagaalka Dheymanka ee Dowladda Soomaaliya & Al-shabaab ka dhex qarxay-Video

Muqdisho (HM)-maalmahan waxaa baraha Bulshada iyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaaliya iyo waliba qaar kamid ah Gobalada dalka qabsatay hadal hayn ku saabsan Dhagax Dheyman ah kaas oo sida la sheegay ay gacanta ku dhigeen Ciidamad Dowladda Somaaliya ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku ay sheegayaan dhagaxan ayaa waxaa deegaanka Ceel-cali ka qaatay Kooxda Al-shabaab oo sida la sheegay kaashana dad ka gacan siiyey oo deegaanka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay Al-shabaab dagaal kala hor yimaadeen kadib markii ay dhagaxa qaadanayeen waxaana la shegayaa in dad uu ku dhintay iska hormaadka ka dhashay dhagaxan dheemaynka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ka hor inta aysan dhagaxaan qaadan ay dibada u qaadeen qayb kamid ah kadibna ay baadhitaan kusoo sameeyeen kadibna ay qaateen markii ay ogaadeen inuu yahay dheyman.

arrintan ayaa la sheegayaa in ay gaadhay ilaa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo la sheegayo inuu arrinta hada si dhow ula socdo.

Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo kamid ah Xubnaha sida aadka ah u dabagalay dhagaxan oo la hadlay warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahiyey waxa uu yahay dhagaxan iyo waliba sida lagu soo qabtay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82123

Posted by on Feb 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...