|

Daawo:-Ra’iisul Khayre oo sheeciyey hal arrin oo lagu heli karo Dowladnimo isku dheelitiran-Video

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay in loo baahanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda dalka oo ah jiridda dowladnimadu, si loo helo nidaam dowladeed oo isu dheelli tiran.

 Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabdda xuska sanad guurada 50aad ee aasaaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dib-u-habeyntii lagu sameeyay Ciidanka Booliska iyo Milatariga.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxuu Ra’iisul Wasaaruhu intaa raaciyay in si cadaalladda loo horumariyo ay muhiim tahay in la iska kaashado ka gudbidda dhammaan caqabadaha, ciidanka qarankuna ay noqdaan albaabka cadaallada laga gelaayo, maadaama bulsha aan cadaalad heysan, ayan heli karin midnimo, kalsooni, horumar, qab-weyne, is-aaminaad iyo dhiirranaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeey ciidamada asluubta iyo qoysaskooda ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=82110

Posted by on Feb 22 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...