|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo raaligalin ka bixiyey dhibkii gaadhay Gobolada Waqooyi kadib kulankii Muuse Biixi-Video

Muqdisho ( HM) Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Farmaajo, Ayaa Cudur-daar iyo Raali galin ka bixiyay  Xasuuqii ay dawladdii Milatariga Soomaaliya uu Hogaaminayey  Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Shacabkii  gobolada Waqooyi.

Madaxweyne  farmaajo ayaa cafis ka dalbaday shacabka Somaliland isagoo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Garsoorka oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Nidaam Dowli ah oo markaas jiray, Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaadhsiino walaalaheen, Idinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay”ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata isla markaana xoojinaya raaligelinta ayuu ku daray “Madaxweyne ahaan cudur daar ayaan ka sameynayaa waana ka raali galinayaa dadka dhibku ka soo gaadhay nidaamka dowliga ah”.

Hadalka kasoo yeedhay Madaxwayne Farmaajo ayaa imaanaya iyaddoo maalin kahor uu caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81966

Posted by on Feb 13 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...