|

Daawo:-Mareykanka oo dib u bilaabay taageeradii Ciidanka xoogga-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib u billowday kaalmadii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ku billowday hir-gelinta xarunta Saadka Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee CXD ku yeeshaan meel ka baxsan Muqdisho, si weyna loo qalabeeyay ayaa waxa ay fududeyneysaa isu gudbidda saanadda ciidanka ee gobollada Koofureed, taas oo qeyb ka ah qorshaha argagxisada looga xoreynayo gobollada Koofureed ee dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dib-u-billaabidda kaalmada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka dambeysay dib-u-habaynta ay dowladda Soomaaliya ku sameysay guud ahaan nidaamka ay ku shaqeeyaan ciidamada qalabka sida iyo diiwaan-gelinta casriga ee loo sameeyay, taas oo musuqii meesha ka saartay.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Mareykana oo dadaalkeena oqoonsatay oggolaatayna inay caawinta ciidankeena dib-u-billowdo, ” ayuu yiri wasiirka difaaca dalka Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).

“Dadaal dheer oo aan galnay, kadib waxaan ciidankeena ka nadiifinnay nooc kasta oo musuq ah, taas oo keentay in aan aqonsannay nuuca caawin aan u baahannahay, isla markaana aan kasbanay aaminaadda bahwadaagteen.”, ayuu raaciyay wasiirku.

“Maanta ciidankeena waxa uu la jaanqaadayaa ciidamada dowladaha waaweyn marka laga fiiriyo dhanka nidaamka, taas oo sahleysa tayeynta ciidanka iyo howlgallada lagula dagaalamayo cadowga,” ayuu wasiirku kusoo gebagebeeyay hadalkiisa.

Mareykanka ayaa joojiyay kaalmada uu siin jirau ciidanka xoogga dalka dabayaaqadii sanadkii 2017, kadib markii la ogaaday musuq maasuq baahsan ee ka jiray nidaamka ciidanka xoogga.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81959

Posted by on Feb 12 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...