|

Deg Deg-Puntland Laba kamid ah Raggii dilay ee Kufsaday Caasho Ilyaas oo goordhow la toogtay-Video

Boosaaso (HM) – Ciidamada Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey labo ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.

Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari.

Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan.

Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland.

Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaalad hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81926

Posted by on Feb 11 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...