|

Madaxweyne Farmaajo & Muuse Biixi oo ku kulamy Addis-Ababa-Video

Addis Ababa (HM) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay HM ayaa sheegaya in galabta ay magaalada Addis-Ababa ay ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid u gaar ah labada madaxweyne, mana jirin cid ka tirsan wafdigooda oo ku wehlisay, sida ay wararka sheegayaan.

Kulanka ayaa socda ku dhowaad saacad, mana cadda illaa iyo hadda waxyaabaha ay labada mas’uul uga wada hadleen, inkasta oo ay u badan tahay inaan looga hadlin qodobo muhiim ah.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad ugu dhowaa dowladda Itoobiya sanadihii dhowaa, halka Somaliland ay sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81940

Posted by on Feb 11 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...