|

Wararkii ugu dambeeyay ee toogashada Raggii kusiga & dilka u gaystay Caasho yar-Akhriso

Garoowe (HM) – Sida ay horay u shaacisay Puntland waxaa 11-ka bishaan February oo beri ku beegan la toogan doonaa seddexda xukmane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay, marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaasi, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa 12-kii bishii hore sheegay in raggan la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee beri.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay gudbisay galka fulinta xukunka, si loo qisaaso saddexda xukmane, kuwaas oo kala ah:-

1- Cabdishakuur Maxamed Dige, 2- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo 3- Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.

Raggan ayaa 12-May-2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoona xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81914

Posted by on Feb 10 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...