|

Daawo:-Kenya oo war kasoo saartay arrinta Janan kana jawaabtay dalabkii Dowladda Soomaaliya ee qabashadiisa-Video

Nairobi (HM) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka.

Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go’aaminta wasiir Janan.

Macharia Kamau ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintaan kaliya ay ka falcelin karaan saraakiisha ciidamada amniga, sida uu hadalka u dhigay.

“Arintani gacanteenna kuma jirto, waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin, waana ciidamada amniga”. ayuu yiri Mr. Kamau.

HALKAN KA DAAWO

Sidoo kale Daily Nation ayaa xusay in wasiirka amniga Jubbaland uu degan yahay hoteel ku yaalla Mandera, islamarkaana ay amnigiisa la wareegeen ciidanka Kenya, inkastoo horay wasiirku wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu joogo degmada Beled-Xaawo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo wasiir Janan oo 28-kii bishii hore ka baxsaday halkii uu ku xidhnaa, isaga oo doon dheereysa ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobaleedka Jubaland.

Janan oo xidhan tuutaha milatariga ayaa sidoo kale shalay ka soo muuqday duleedka Beled-Xaawo, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah ciidanka dowladda.

Xaaladda gobolka Gedo, gaar haan Beled-Xaawo ayaa aad u kacsan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka bilowday gudaha magaaladaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81899

Posted by on Feb 9 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...