|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii uu Deni ku dhawaaqay dhawaan-Video

Muqdisho (HM) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo xalay ka qeyb galayey barnaamij gaar ah oo looga hadlayey waxqabadka dowladda ee saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku saabsan shirka uu dhawaaqay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni.

Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso shirkaasi oo ah mid guud ah wadatashi ah.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ka bixi doonaan natiijooyin muhiim ah oo waxtar leh Ummadda Soomaaliyee, gaar ahaan reer Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, islamarkaana uu muujiyo tanaasul.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo muddo soo dheer soo jiitamayey.

Jimcihii ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland oo ay dhinac taagan yihiin golihiisa wasiirada uu iclaamiyey shir looga hadlayo aayaha maamulkaasi, kaas oo uu ku marti qaaday siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81904

Posted by on Feb 9 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...