|

Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharciga Batroolka Soomaaliya xili khilaaf ka jiro.

Muqdisho (HN)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

War saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya yaa lagu yidhi “Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa”

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Inkastoo sharcigan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, horayna Labada Aqal u ansixiyeen ayaa waxaa ka soo horjeestay Maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana xilligii Aqalka Sare ansixiyay sharcigan bishii Janaayo isaga baxay shirka Senatarada ka soo jeeda Puntland.

Si kastaba ha ahaatee sharciga Batroolka ayaa ahaa sharci si weyn ay u daneyneysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo loo arkay inay si weyn galaan gal badan uga jirtay sharcigan meel marintiisa, marka loo eego sida Ra’iisul Wasaare Kheyre u daneynayo arrimaha shidaalka, maadaama horay Madax ugu ahaa Shirkadda SOMA OIL and Gas, inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81883

Posted by on Feb 8 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...